4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2022
Ciidanka Booliska Somaliland oo heegan buuxa la galiyay
 

Talaado, May, 31, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa heegan buuxa la galiyay, kadib mudaharadadii ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, oo ciidamo booliis ah u kala diray xaafadaha magaalada Hargaysa, ayaa ku goodiyay in ciidanku ay gacan adag ku qaban doonaan cidkasta oo amni daro abuurta.

"Waxan idiin sheegayaa waxaynu u diyaar garoobaynaa abniga guddaha oo dhan in aynu gacmo adag ku qabano, cida doonaysa in ay ina khal khal galiso waxay doontaba ha ahaatee, amniga ayaynu adkaynaynaa, cidkasta oo doonaysa in ay amniga khal khal galisana u dul qaadan mayno ee labada gacmood ayaynu iskugu gaynaynaa" ayuu yidhi Dabagale.

Taliyaha ayaa sheegay in dhamaan ciidanka heegan la galiyay "Laga bilaabo imika ciidamadeena heegan baynu galinaynaa, waxaynu u diyaar garoobaynaa dhacdo kasta oo howlaha shaqooyin keena qaranka ku saabsan".

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa kulan warbaahineed ay qabteen Isniintii ku sheegay in ay qaban doonaan mudaharaado. Mucaaradka iyo xukuumada ayaa isku afgaran waayay nidaamka mudaharaadka loo qabanayo.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online