4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2022
Madaxweyne Deni: Waxaan rabnaa inaan ka gudubno isqoonsigii iyo laxowgii doorashada ka dhashay
 

Talaado, May, 31, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garowe dib ugusoo laabtay, kadib markii uu dhowaan kusoo guul daraystay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya, isagoo kamid ahaa musharraxiintii ugu cadcadaa.

Madaxweyne Deni ayaa markii uu Garowe kusoo laabtay wuxuu sheegay inuu doonayo in meesha laga saaro laxowgii iyo isqoonsigii ka dhashay doorashada madaxweynaha Soomaaliya. Wuxuu sheegay inaan gadaal loo eegin wixii horey u dhacay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo ay horey isugu khilaafeen arrimaha awoodda maamulka, ayaa soo dhowayntiisa ka qeyb galay, iyadoo sida aan saakay qornay uu jiro xal hoose oo laga gaaray khilaafka labadooda dhexyaalay.

“Xilliga tartanku jiro waa la isqoonsadaa, waxbaa dhaca, laakiin markii ay dhamaato, waxaan rabnaa sidii lagu aqoon jiray in laga gudbo oo horey loo socdo oo aan dib loo fiirin wixii dhacay. Ninkii gadaal fiiriya, waa nin aan horumar doonayn,” ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni wuxuu aad uga hadlay abaaraha ka jira Puntland, isagoo sheegay in qarka loo saaran yahay macluumaad aad u daran inay ka dilaacdo Puntland.

Wuxuu sheegay inay dadaal xooggan ku bixinayaa sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka abaaraha, wuxuuna tilmaamay inaysan Puntland kaligeed ku filnayn.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]