4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 31, 2022
Madaxweyne Deni oo maanta Garowe ku laabanaya kadib markii uu kusoo hungoobay dorashadii Soomaaliya

Talaado, May, 31, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Garowe dib ugu laabanaya kadib muddo ku dhow labo bilood oo uu Puntland uga maqnaa dooarshada Soomaaliya.

Deni ayaa imaanaya, xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay ku xigeenkiisa Axmed Karaash, oo xilalkii ka qaaday saddex kamid ah golihiisa wasiiradda, inkastoo aanay dhaqan galin weli.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa khilaafkooda si hoose lagu xalliyay islamarkaana  wadashaqayntooda ay si caadiya kusoo laabanayso.

Axmed Karaash ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo soo dhowaynta Deni oo abaabulkeeda si weyn uu uga socdo magaalada Garowe, taasoo u muuqata mid lagu soo dhoweynayo sida madaxwene Deni uga qaatay isbeddalka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Deni waxaa haatan horyaala caqabo badan oo ay tahay inuu wax ka qabto, waxaana kamid ah tabashooyinkii ka dhashay doorashadii xildhibaannada aqalka hoose.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]