4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2022
Taliyaha hay'adda nabad sugida iyo sirdoonka gobolka Banaadir oo la magacaabay
 

Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka gobolka Banaadir (NISA), ayaa loo magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday agaasimaha hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Taliyaha cusub ee NISA ee gobolka Banaadir, ayaa dhowr bilood kahor waxaa isla xilkan u magacaabay Gen. Bashiir Goobe oo mar raysal wasaaruhu u magacaabay taliyaha NISA.

Khilaaf u dhaxeeyay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ayaa keenay inuu dhaqan gali waayo magacaabida sarkaalkan, kadib markii Bashiir Goobe dib looga qaaday xilkii NISA, loona magacaabay Yaasiin Farey.

Magacaabiddan ayaa bilow u ah dib u habayn ballaaran oo lagu sameynayo hay’adda NISA. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in xilalka laga qaado taliyeyaal, lana magacaabo kuwo kale.

Madaxda cusub ee NISA ayaa waxyaabaha horyaala ee laga sugayo waxay yihiin, inay ka gun gaaraan kiiskii dilka Ikraan Tahliil oo ahayd sarkaalad katirsaneyd NISA.

Madaxdii hore ee  NISA ayaa ku eedaysan dilka Ikraan, inkastoo xafiiska xeer ilaalinta uu ka barri yeelay inay kiiskaas wax lug ah ku leeyihiin, balse qoyska marxuumada ayaan ku qancin jawaabta xafiiska xeer ilaalinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]