4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2022
Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in dalku ku jiro xaalad Bani'aadanimo oo halis ah
 

Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani'aadanimada iyo gurmadka abaaraha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay xaalada guud ee abaaraha ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Xaaladda Abaaraha ee dalka ayaa Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Bani'aadannimada iyo gurmadka Abaaraha, waxuu warbaahinta la wadaagay in dalka uu ku jiro xaaladda halis ah oo dhanka abaaraha iyo arrimaha bani'aadannimada ah.

Ergeyga ayaa maalmihii ugu danbeeyay tan iyo markii la magacaabay ku howllanaa xog ururin iyo kulamo wada-tashi ah oo uu la yeelanayay hey'adaha kala duwan ee horay ugu lug lahaa arrimaha bani-aadamnimada, horumarinta iyo gurmadka abaaruha sida; Wasaaradaha dalka, hey'adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya arimaha musiibooyinka iyo gargaarka, xafiiska Qarmada Midoobay ee Muqdisho, safaaradaha, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxuu tilmaamay Ergayga Arrimaha Abaaraha Soomaaliya in xogururinta iyo kulamada hordhaca ahaa ay ahayd ujeedada in si hufan oo deg deg ah loola tacaalo saameynta abaaraha dalka oo haatan maraya xaalad laga naxo oo u baahan in la qaado tallaabo deg deg ah.

" Xogta ugu horeysa ee aan hayno waa in 6.1 milyan oo qof oo Soomaali ah oo ay abaaraha saameeyeen inay halis ku sugan yihiin, inta gargaarka ay gaartay oo Soomaali ahna waa laba milyan iyo sideed oo boqol oo ka mid ah lixda milyan iyo boqolka ruux, waxaana aad xaaladooda u daran tahay laba boqol iyo sideetan ruux, kudhawaad 700 oo kun oo qofoodna way ka barakaceen guryahooda, waxaana abaarta ka jirta 74 degmo oo ka mid ah 84-ta degmo ee dalka, gargaarka la helayna waa boqolkiiba sideed" ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha.

Hadalkaan kasoo yeeray Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani'aadanimada u qaabilsan madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili qeyla dhaanta abaaraha ka jira gudaha Soomaaliya ay si weyn isku soo tareyso marba marka ka dambeysa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online