4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2022
Maraakiibta Yurub oo si sharci darro ah uga kalluumeystay Badweynta Hindiya oo ay ku jirto Soomaaliya

Isniin, May, 30, 2022 (HOL) -  Maraakiibta kalluumeysiga ee Yurub ayaa si sharci darro ah uga jilaabtay kalluunka tunaha ee ku jira Badweynta Hindiya, sida lagu sheegay baaritaan la sameeyay oo khubaradu ay falanqeeyeen.

Labo baaritaan ayaa lagu sameeyay kalluumeysiga Badweynta Hindiya, mid waxaa sameysay kooxda OceanMind, halka mida kalena ay sameysay hay'adda samafalka Blue Marine Foundation oo ay weheliso shirkadda Kroll.

Agaasimaha fulinta ee Blue Marine Foundation Charles Clover, ayaa sheegay in caddeymaha iyo warbixinta ay muujinayaan in maraakiibka Midowga Yurub ay kalluumeysiga sharci darrada ka sameyeen biyaha waddamada Soomaaliya, India, Mozambique iyo dalalka kale ee ku teedsan xeebaha badweynta India.

Maraakiibta sameeyay kalluumeysiga sharci darrada ah ayaa ah Seine (Waa nooc leh shabaagta waaweyn) ee ku sugan biyaha xeebaha badweynta Hindiya, waxaana ay xaalufiyiin noocyada kalluunka sida skipjack, bieye iyo yellowfin tuna.

Maraakiibta kalluumeysiga sameysay ayaan wax sharciyad ah u heysan in ay ka kalluumeystaan biyaha xeebaha Badweynta Hindiya, sida ay sheegtay hay’adda Blue Marine Foundation.

Hay’adda Blue Marine Foundation ayaa warbixinteeda ku xustay in maraakiibta jilaabtay Tunada ee laga leeyahay dalka Spain ay ka kalluumeysteen biyaha Soomaaliya intii u dhaxeysay sannadihii 2017-18 iyo dalka Hindiya oo ay ka kalluumeystaan intii u dhaxeysay sannadihii 2018-19, balse dowladda Spain wali kama aysan jawaabin eedaha loo jeediyay.

Warbixinta labaad ee hay’adda Blue Marine Foundation iyo shrikadda Kroll, ayaa baartay xogta laga helay software-ka ilaalinta maraakiibta ee loo yaqaan The automatic identification system (AIS), waxayna ogaadeen in maraakiibta joogtay gobolka qaarkood ay damiyeen aaladaasi, taas oo noqon karta calaamad muujinaysa kalluumeysiga aan loo heysan fasaxa ama sharci darrada ah.

Cadaadis xooggan ayaa lagu haya kalluunka Tuunada, iyadoo ay sii kordhayaan maraakiibka kalluumeysiga warshadeysan ee xaalufinta ku haya kalluunka Tunada, taas oo horseedi karta in kalluunka Tunada uu dabar go’, saynisyahannadu ayaa arrintaaso ka digay.

Hay’adda Europêche oo iska fogeysay eedaha kalluumeysiga sharci darrada.

Europêche ayaa ah wakiilka kalluumaysatada Midowga Yurub. Waxaana ay wakiil ka tahay ilaa 45,000 oo markab ah, 80,000 oo kalluumaysato ah oo ay xubno ka yihiin 16 urur oo ka kala socda 10 wadan oo Yurub ah.

Xeel-dheerayaasha iyo dadka xog-ogaalka u ah arrimaha shatiyada ayaa xaqiijiyay in maraakiibta Midowga Yurub aysan wax shati ah u haysan inay ka kalluumeystaan biyaha Soomaaliya tan iyo 2013.

Hay’adda Blue Marine Foundation ayaa dhinaca kale sheegtay in mas’uuliyiinta dalka India ay sidoo kale xaqiijiyeen in aysan wax ruqsad ah siinin maraakiibta Midowga Yurub.

Europeche ayaa ku andacooneysa in aysan jirin wax kalluumaysi ah oo maraakiibta Midowga Yurub ay ka sameyaan biyo xeebeetyada dowladdaha iyagoo aan heysan wax shati ah, balse hay’addaha warbixinta soo saaray ayaa Europeche ka codsaday in ay keenaan heshiis kalluumeysi oo ay la galeen dowladdaha Soomaaliya iyo India.

Waxaa xooggan caddaymo muujinaya in qaar ka mid ah maraakiibtaas ay ka kalluumaystaan biyaha xeebaha Indian Ocean iyaga oo aan haysan wax oggolaansho ah.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]