4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2022
Qarax khasaare geystay oo Maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose
 

Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa jugtiisa laga maqlay xaafadaha magaalada Afgooye, kasoo la sheegay inuu haleelay gaari uu saarnaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Afgooye Xuseen Jibriil, waxaana la xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen ilaa sadax ruux oo shacab ah.

Wararka waxay intaasi kusii darayaan in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Afgooye Jibriil Xuseen oo qaraxa lagula eegtay afaafka hore ee hoyga uu ka dagan yahay degmada Afgooye.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa miino, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halka qaraxa lagula eegtay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Afgooye.

Qaraxaan khasaaraha geystay ayaa kusoo beegmaya xili Xalay saqdii dhexe dagaal khasaare geystay uu ka dhacay degmada Afgooye, kaasoo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Al-shabaab iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online