4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2022
Mucaaradka Somaliland oo ka jawaabay muda kordhinta xukuumadu sheegtay in ay codsadeen

Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa beeniyay in ay xukuumada ka dalbadeen in madaxweynaha iyo xisbiyadaba loo kordhiyo mudada, sida wasiirka arrimaha gudduhu sheegay.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in anay waxba ka jirin eedaynta wasiirka, waxa uu sheegay in anay arrinta urrurada kala hadal madaxweynaha Somaliland, isla markaana ay kaliya ka wadahadleen qabashada doorashada madaxyooyada.

"Waxaanu jecelnahay in aanu caddayno hadalka wasiirka kasoo yeedhay ee odhanaya xisbiyada ayaa codsaday in loo kordhiyo, urrurada kamanaan wadahadal furistooda wakhtigooda iyo dariiqa sharciga ah ayaa loo mari doona, waxa maanta laga wada hadlayaa waa doorashadii madaxtooyada iyo koomiishankii oo ay afduubeen" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi waxa uu xukuumada ku eedeeyay in ay faragalin ku hayso guddida doorashooyinka oo ay xubnaha ku caddaadinayso in ay is casilaan, waxaanu taageerayaasha mucaaradka ugu baaqay in ay ka falceliyaan ficilada xukuumada, oo ay mudaharaad iskugu soo baxaan, marka loo baahdo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isna dhankiisa hadalka wasiirka ku micneeyay "wanjalaad", waxa uu sheegay in ay tahay arrin been abuur ah, waxa kale oo uu sheegay in xukuumada Biixi shanta bilood ee u hadhay anay xataa xukunka ku aamini karin.

"Shalayto wuxuu yidhi ergo ayay nosoo dirteen oo waxay doonayaan korodhsi, horta arrintaasi waa wanjal, waa lagu yaqaanaa reer Qaaxo in ay dadka wanjalaan, Maxamadow kordhis ayaad sheegaysaaye shantan bilood ee idiin hadhsan ayaanu leenahay dalka ma wadi karaan" ayuu yidhi Faysal.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan warbaahineed uu xafiis kiisa ku qabtay Axadii ku sheegay in xisbiyada mucaaradku ay xukuumada Somaliland ka dalbadeen in madaxweynahana loo kordhiyo mudada, xisbiyadana loo kordhiyo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online