4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2022
Soomaaliya oo ku biiraysa dalal carbeed oo dhoolatus milatari ku sameynaya badda cas

Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - lix waddan oo kala ah, Masar, Sacuudiga, Urdun, Suudaan, Jabuuti, Yemen, iyo kormeerayaal ka socda Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inay samayn doonaan  dhoolatus milatari oo looga golleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka dalalka ku teedsan badda cas.

Taliyaha Ciidanka galbeedka dalka Sucuudga, Admiral Yahya bin Mohammed Al-Asiri, ayaa sheegay in dalalka ku teedsan badda cas ay is-weydaarsan doonaan khibrado sare loogu qaadayo amniga baddaha iyo xorriyadda socdaalka badda cas.

Admiral Yahya oo ah taliyaha hoggaamindoona howgalkan wuxuu sheegay, in lixda wadan ay muujinayaan muhiimadda marin-biyoodku u leeyahay adduunka oo dhan dhaqaale ahaan.

Sacuudi Carabiya iyo shanta dowladood ee ka qeybgalaya dhoolatuska milatari, waxay ku midaysan yihiin isbaheysi lagu horumarinayo iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]