Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2022
Dowladda Soomaaliya oo taliyaha ciidamada Uganda ee howlgalka ATMIS ku abaal marisay sugida amniga doorashada
Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa abaal-marin ku guddoonsiisay Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda Gen Keith Katungi, doorkii uu ku lahaa sugidda doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha Soomaaliya.
Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska Qaranka ee magaalada Muqdisho, ayaa Sarreeye Guuto Katungi lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf uu ku muteystay doorkii uu ka qaatay amniga doorashada.
Shahaadada ayaa waxaa ku wareejiyay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha, Fahim Mohammad Ali.
Gen Keith Katungi waxa uu sheegay in guushaasi ay ku timid wada shaqeyn dhexmartay ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo, ka hor iyo inta lagu guda jiray doorashada.
Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS islamarkaana ah ciidamada ugu badan ee dalka ku sugan ayaa waxaa loo xilsaaray sugidda amniga gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Taliyaha hay'adda nabad sugida iyo sirdoonka gobolka Banaadir oo la magacaabay
5/30/2022 5:26 PM EST
Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Taliyaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka gobolka Banaadir (NISA), ayaa loo magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday agaasimaha hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad.
Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in dalku ku jiro xaalad Bani'aadanimo oo halis ah
5/30/2022 12:01 PM EST
Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani'aadanimada iyo gurmadka abaaraha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay xaalada guud ee abaaraha ka jira gudaha dalka Soomaaliya.
Maraakiibta Yurub oo si sharci darro ah uga kalluumeystay Badweynta Hindiya oo ay ku jirto Soomaaliya
5/30/2022 11:08 AM EST
Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Maraakiibta kalluumeysiga ee Yurub ayaa si sharci darro ah uga jilaabtay kalluunka tunaha ee ku jira Badweynta Hindiya, sida lagu sheegay baaritaan la sameeyay oo khubaradu ay falanqeeyeen.
Qarax khasaare geystay oo Maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose
5/30/2022 9:31 AM EST
Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Mucaaradka Somaliland oo ka jawaabay muda kordhinta xukuumadu sheegtay in ay codsadeen
5/30/2022 8:03 AM EST
Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa beeniyay in ay xukuumada ka dalbadeen in madaxweynaha iyo xisbiyadaba loo kordhiyo mudada, sida wasiirka arrimaha gudduhu sheegay.
Soomaaliya oo ku biiraysa dalal carbeed oo dhoolatus milatari ku sameynaya badda cas
5/30/2022 7:16 AM EST
Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - lix waddan oo kala ah, Masar, Sacuudiga, Urdun, Suudaan, Jabuuti, Yemen, iyo kormeerayaal ka socda Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inay samayn doonaan dhoolatus milatari oo looga golleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka dalalka ku teedsan badda cas.
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo iska fogaysay eedaymo loosoo jeediyay oo ku saabsan Sicir bararka
5/30/2022 3:59 AM EST
Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdulqaadir Rashiid oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo ay mucaaradka degaanku usoo jeediyeen xukuumadda, oo la xiriira arrimaha Sicir bararka ee ka jira degaanka Soomaalida.
Dagaal khasaare geystay oo Xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose
5/30/2022 1:53 AM EST
Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xalay saqdii dhexe ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Muuse Geelle oo iska fogeeyay inay qorsheynayeen inay fasaxaan kursiga hop86
5/30/2022 1:42 AM EST
Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Guddoomiyii guddiga doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Muuse Geelle Yusuf ayaa soo dhoweeyay go’aankii raysal wasaaraha Soomaaliya uu xalay ku kala diray guddigii dooashada dad banaa.
Somali News
Two injured after powerful bomb rips through Afgoye
-
HOL
5/30/2022 6:35 AM EST
Mogadishu (HOL)- At least two people were seriously injured in Afgoye, 30km (18 miles) north-west of Mogadishu, on Monday afternoon following an IED blast that wounded the regional deputy security commissioner.
NGO claims EU seiners fished illegally in Indian Ocean
-
FiskerForum
5/30/2022 4:40 AM EST
While industry body Europêche is adamant that European fishing vessels have not been active in Somalian and Indian waters, the Blue Marine Foundation claims that Spanish-flagged tuna vessels fished in the waters of Somalia in 2017-18 and India in 2018-19.
European fishing fleets accused of illegally netting tuna in Indian Ocean
-
The Guardian
5/30/2022 4:36 AM EST
European fishing fleets have been illegally netting tuna from dwindling stocks in the Indian Ocean, according to data presented to EU authorities and analysed by expert groups.
Somali, AU security officers sharpen skills to enhance ties with civilians
-
Xinhua
5/30/2022 4:27 AM EST
About 28 senior officers from the military and police components of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) and the Somali National Army (SNA) have wrapped up a joint training to enhance their abilities to reach out to communities in the liberated areas, officials said on Sunday.
Election chair rubbishes claims that Fahad Yasin will join parliament
-
HOL
5/30/2022 3:23 AM EST
Mogadishu (HOL) - The Federal Electoral Implementation Team (FEIT) chairman Muse Gelle Yusuf denied reports that the commission was considering certifying HOP 086, which was won by former spy chief Fahad Yasin Haji Dahir in Beledweyne earlier this year before being nullified by the election commission for irregularities.
Somali government honours Uganda contingent commander
-
UPDF
5/30/2022 1:58 AM EST
The Federal Government of Somalia (FGS) has honoured the Ugandan Military Contingent Commander Brig Gen Keith Katungi for his role in securing the recently concluded Parliamentary and Presidential elections in Somalia.
US will soon redeploy troops in Somalia: the mission and key goals
-
The Conversation
5/30/2022 1:34 AM EST
The Biden administration in the US recently announced it would be providing a “persistent presence” in Somalia of up to “around 450” US soldiers, reversing a decision taken by US president Donald Trump in December 2020 to withdraw about 700 troops from the country. Security policy expert Paul D. Williams provides an insight into the change of tack.
As drought ravages Somalia, art-based interventions are easing the burden of mental health for the displaced
-
IOM
5/30/2022 1:28 AM EST
Kabasa, Dollow, 30 May 2022 – Dressed in her best clothes, Adey, 30, arrived at the information centre determined to have a good day. The previous weeks have been difficult for the mother of nine, who, like thousands of others across Somalia, has been affected by the extreme drought hitting the country and much of the Horn of Africa.