Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa abaal-marin ku guddoonsiisay Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda Gen Keith Katungi, doorkii uu ku lahaa sugidda doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha Soomaaliya.
newsinsideMunaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska Qaranka ee magaalada Muqdisho, ayaa Sarreeye Guuto Katungi lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf uu ku muteystay doorkii uu ka qaatay amniga doorashada.
Shahaadada ayaa waxaa ku wareejiyay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha, Fahim Mohammad Ali.
Gen Keith Katungi waxa uu sheegay in guushaasi ay ku timid wada shaqeyn dhexmartay ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo, ka hor iyo inta lagu guda jiray doorashada.
Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS islamarkaana ah ciidamada ugu badan ee dalka ku sugan ayaa waxaa loo xilsaaray sugidda amniga gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]