4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2022
Dagaal khasaare geystay oo Xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose
 

Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xalay saqdii dhexe ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen gudaha degmada Afgooye, waxaana la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen mudadii uu dagaalka socday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa la tilmaamay in xoogiisa uu ka dhacay Buundada yar ee degmada Afgooye, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ka dhashay dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba ruux oo kale.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada Xalay dirirtu ku dhexmartay gudaha degmada Afgooye oo la xariirta khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah iyo kuwa qaraxyo ah waxay la beegsata Saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online