4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 30, 2022
Muuse Geelle oo iska fogeeyay inay qorsheynayeen inay fasaxaan kursiga hop86

Isniin, May, 30, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Muuse Geelle Yusuf ayaa soo dhoweeyay go’aankii raysal wasaaraha Soomaaliya uu xalay ku kala diray guddigii dooashada dad banaa.

Muuse Geelle oo BBC Soomaali la hadlayay wuxuu sheegay in guddigooda uusan jirin wax shaqo ah oo haatan u harsanaa, isagoo tilmaamay in waqtigoodu uu ku ekaa markii ay dhammaatay doorashadii xildhibaannada golaha shacabka.

Mar wax laga weydiiyay kala diristooda kahor in ay damacsanaayeen fasaxida kursiga hop86, wuxuu sheegay in aysan arrintaas waxba ka jirin islamarkaana wuxuu caddeeyay in kursigaas reerka iska leh ay ka tashanayaan sida laga yeelayo.

Wuxuu kaloo caddeeyay in kursigaas uu maridoono dariiqa ay mareen kuraas doorashadooda dib uga dhacay waqtigooda iyo kuwa baaqday, iyaguna aysan haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]