4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2022
Xukuumada Somaliland oo diiday mudaharaaadka ay dalbadeen xisbiyada mucaaradka
 

Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku gacan saydhay mudaharaadkii ay dalbadeen xisbiyada mucaaradku wuxuuna ku sababeeyay in anay sharciga waafajin codsigooda.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxda axsaabta mucaaradku ay diideen in ay la kulmaan, si looga wada tashado sida loo qabanayo mudaharaadka, isla markaana ay magacaabeen guddi qaban qaabisa mudaharaadka.

"Fariintii aan shalay u diray ee aan idhi aan iskaga nimaadno kana wada xaajoono, arrinta aad doonaysaan ee aad soo qoroteen, ilaa iyo shalayto anigu waan sugaayay, maanta warka ii yimid waxa weeyaan, in ay diideen oo ay go'aan ku gaadheen in anay wasiirka u imanin, waa laba in ay guddi qaban qaabo sameeyeen oo labada xisbi ka kooban" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirku waxa uu sheegay in mudaharaadku uu kasoo horjeedo sharciyada iyo amniga "Waa qodob kasoo horjeeda sharciyada qaranka iyo sharciga nabadgalyada labadaba".

Wasiirka ayaa sheegay in kadib markii uu arkay sharciga nidaamka dadwaynaha, iyo in sababta ay mudaharaadka u qabanayaan anay ahayn sabab macquula marka la eego kalmada ay adeegsadeen ee "badbaado qaran" iyo in madaxda axsaabta mucaaradku diideen in layskaga yimaado oo laga wada tashado qabashada dibadbaxa, in uu joojiyay mudaharaadka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online