4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2022
Raysal wasaare Rooble oo kala diray guddigii doorashooyinkii dadbanaa
 

Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray Guddiyadii doorashada dadban, isagoo uga mahad celiyay sidii ay u maamuleen doorashooyinkii golaha shacabka.

Go'aanka raysal waaaaraha ayaa kusoo beegmay wax kahor markii ay soo baxeen war ku saabsan in guddiga doorashada uu qorshaynayo inuu fasaxo kursiga Fahad Yaasiin ee horey loo hakiyay.

Raysal wasaaraha ayaa go'aankiisa kusii adkeeyay in kuraasta ay guddiyadu go'aamiyeen in dib loosoo doorto, ay doorashadooda maamulayaan guddiga qaran ee doorashoyinka Soomaaliya oo ay guddoomiye u tahay Xaliimo Yarey.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]