4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2022
Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay inay jiraan dhallinyaro loo qortay inay dowladda ka difaacaan baraha bulshada
 

Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariin Cali Kaar ayaa been abuur ku tilmaamay inay madaxtooyada Soomaaliya qoratay dhallinyaro dowladda ka difaaca baraha bulshada.

Afhayeeenka madaxtooyada oo bixiyay wareysigii ugu horreeyay magacaabidiisa kadib, ayaa sheegay taageero dowladdu ku weydo waxqabadkeeda in aanay ku raadin doonin wuxuu ugu yeeray ‘ huuhaa iyo indho-sarcaad’ uu sheegay in dalka horey loogu maamuli jiray.  

Cabdikariim Cali Kaar waxaa sidoo kale uu sheegay inaysan jiridoonin cid shaqadeeda ku weyndoontaa taageerada iyo mabda’eeda siyaasadeed, isagoo sheegay in cid walba shaqadeeda halkeeda kasii wadidoonto.  

“Cidna laguma bartilmaameedsan doono aragtideeda siyaasiga ah, cidii ay la shaqaysan jirtay iyo waxay aaminsan tahay. Qof walba wuxuu shaqadiisa ku weyn karaa ama ku haysan karaa howlkarnimadiisa iyo aqoonta uu shaqada u leeyahay,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Cabdikariin Cali Kaar oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Howlwadaag iyo saxafi hore, wuxuu u magacaabay afhayeenka cusub ee madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa uu xafiiska kala wareegayaa Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ahaa afhayeenkii madaxtooyada iyo madaxa warfaafinta villa Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]