4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2022
Guddoomiyahii hore ee Ururada Bulshada Rayidka oo geeriyooday iyo Madaxda Dowladda oo ka tacsiyadeeyay
 

Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Allah u naxariiste Cabdullaahi Maxamed Cali Shirwac oo horay u soo noqday guddoomiyihii Ururrada Bulshada Rayidka sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyska marxuumka.

Geerida Marxuum Cabdullaahi Cali waxaa ka tacsiyadeeyay madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Raysal wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, gudoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa halyeey waqti badan soo galiyay samafalka, isku xirka dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa nabadaynta caasimadda Muqdisho.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ahaa aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhamaan madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta qaarkood oo ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiyahii hore ee Ururada bulshada Rayidka ayaa Alle waxay uga baryeen marxuumka inuu ugu deeqo Janaddiisa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online