Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2022
Safiirka Qatar ee Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya
Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Hassan bin Hamza Hashem.
Danjiraha ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhambaal salaan ah, oo uga siday Guddoomiyaha Golaha Shuuradda Baarlamaanka dowladda Qatar Hassan bin Abdulla Al-Ghanim, taas oo ku aaddan doorashadii uu Gudoomiyaha ku soo baxay iyo Sidoo kale sidii ay ku soo geba gabowday doorashadii lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhankiisa dowladda Qatar ku dhiiro geliyey inay sii laba laabto taageerada joogtada ee ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Dowladda Qatar ayaa kamid ahayd dowladdaha shantii sano ee ugu dambeysay saamaynta ku lahaa arrimaha Soomaaliya, waxayna saaxiib dhow la ahaayeen madaxweynihii xilka ka dagay Farmaajo.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Xukuumada Somaliland oo diiday mudaharaaadka ay dalbadeen xisbiyada mucaaradka
5/29/2022 2:23 PM EST
Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku gacan saydhay mudaharaadkii ay dalbadeen xisbiyada mucaaradku wuxuuna ku sababeeyay in anay sharciga waafajin codsigooda.
Raysal wasaare Rooble oo kala diray guddigii doorashooyinkii dadbanaa
5/29/2022 1:31 PM EST
Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray Guddiyadii doorashada dadban, isagoo uga mahad celiyay sidii ay u maamuleen doorashooyinkii golaha shacabka.
Wasiir Kaahin: Waxa la leeyahay madaxweynow adna korodhso anagana noo kordhi
5/29/2022 10:22 AM EST
Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay si sir ah xukuumada uga dalbadeen in madaxweynaha mudada loo kordhiyo, iyagana laga joojiyo furista urrurada siyaasada.
Ururka siyaasadeed ee Mideeye oo cambaareeyay xarig maamulka Puntland uu u geystay xubin katirsanaa ururkooda
5/29/2022 8:46 AM EST
Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Urur Siyaasadeedka Mideeye oo kamid ah ururada mucaaradka ee Puntland ayaa cambaareeyay xarig uu ku tilmamay mid sharci darro ah oo loo geystay Amiin Maxamuud Guuleed oo ka tirsan golaha dhexe ee Ururka Mideeye.
Barkhad Batuun "Doorashada madaxtooyadu wakhtigeeda haku dhacdo iyo ku dhici mayso weeyaan doodu"
5/29/2022 7:03 AM EST
Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Afhayeenka Xisbiga Waddani Xil. Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in khilaafka doorashadu uu yahay mid sharci, isla markaana laysku haysto doorashada madaxtooyadu wakhtigeedii haku dhacdo iyo ku dhici mayso.
Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay inay jiraan dhallinyaro loo qortay inay dowladda ka difaacaan baraha bulshada
5/29/2022 6:57 AM EST
Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariin Cali Kaar ayaa been abuur ku tilmaamay inay madaxtooyada Soomaaliya qoratay dhallinyaro dowladda ka difaaca baraha bulshada.
Raysal wasaare Rooble oo lagu eedeeyay in uu sharciyad u raadinayo heshiiska shidaalka baarista ee horey loo diiday
5/29/2022 4:59 AM EST
Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha xilka ka sii degaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu eedeeyay inuu raadinayo qaab sharci ahaan lagu aqbali karo heshiis uu wasiirka batroolka Soomaaliya horaantii sanadkan la galay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka.
Guddoomiyahii hore ee Ururada Bulshada Rayidka oo geeriyooday iyo Madaxda Dowladda oo ka tacsiyadeeyay
5/29/2022 4:54 AM EST
Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Allah u naxariiste Cabdullaahi Maxamed Cali Shirwac oo horay u soo noqday guddoomiyihii Ururrada Bulshada Rayidka sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyska marxuumka.
Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya oo xilka kala wareegay Agaasimahii hore
5/29/2022 1:20 AM EST
Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Ku xigeenkiisa Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ka dhacday gudaha madaxtooyada Soomaaliya xilka kagala wareegay Agaasimihii hore Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo ku xigeennadiisa Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin Daddoon.
Kooxda Real Madrid oo markii 14-aad ku guulaysatay UEFA Champions League
5/29/2022 1:15 AM EST
Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan wadanka Spain, ayaa markeedii afar iyo tobbanaad ku guulaystay horyaalka naadiyada Yurub ka dib markii Hal gool iyo Ebar ay oga badisay kooxda Liverpool ee ka dhisan wadanka Ingiriiska.
Madaxwayne Mustafe cagjar " Inagu waxaynu leenahay Mucaarad masiibo quutayaal ah, oo aad u raadiya inay masiibo dhacdo"
5/29/2022 1:12 AM EST
Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo maanta ka qayb galay kulan ay Xukuumaddu isugu yeedhay bulshada qaybaheeda kala duwan ayuu kaga hadlay xaaladda Sicir bararka degaanka ka jirta, iyo sidii xal loogu heli lahaa saameynta ka dhalata Sicir bararkan, isagoo sidoo kale dhaliilo culus usoo jeediyay qaar kamid ah mucaaradka degaanka.
Somali News
Bomb blast kills 5 soldiers in Somalia
-
Middle East Monitor
5/29/2022 10:06 AM EST
At least five were killed and several others wounded when a bomb blast targeted Somali government soldiers in the Lower Shabelle region on Saturday, an official said.
Mogadishu Mayor’s bodyguard shot dead by soldier following dispute
-
HOL
5/29/2022 4:00 AM EST
Mogadishu (HOL) - A special bodyguard of the mayor of Mogadishu, Omar Mohamed Muhamud Filish, was shot dead by another government soldier in Mogadishu on Saturday.
Qatari Ambassador to Somalia holds special meeting with Somali parliament speaker
-
HOL
5/29/2022 3:54 AM EST
Mogadishu (HOL) - The Speaker of the Somali People's Assembly, Sheikh Adam Mohamed Nur (Madobe), held a meeting in Mogadishu with the ambassador of Qatar to Somalia Amb. Hassan bin Hamza Hashem.
Prominent civil society leader passes away in Mogadishu
-
HOL
5/29/2022 3:32 AM EST
Mogadishu (HOL) - A prominent and well-respected peace activist passed away in Mogadishu on Saturday night, his family and friends have confirmed.
Real Madrid beat Liverpool to claim 14th Champions League title
-
Reuters
5/29/2022 3:21 AM EST
Real Madrid secured a record-extending 14th European Cup when they beat Liverpool 1-0 in a Champions League final delayed for more than half an hour after police tried to stop people trying to force their way into the Stade de France on Saturday.
AU summit grapples with coups, food crisis, terrorism, climate change
-
DW
5/29/2022 1:09 AM EST
African Union leaders are meeting in Equatorial Guinea. Inflation and war in Ukraine are increasing food prices across Africa. Four AU member states are suspended because of coups.
State Senator Omar Fateh’s reelection bid is being challenged by a union leader
-
Sahan Journal
5/29/2022 1:05 AM EST
Shaun Laden is running against the embattled legislator, who faces an ethics investigation.
Climate change increasing forced displacement in Africa
-
AFP
5/29/2022 12:50 AM EST
The African Union is seeking, with the United Nations and other parties and donors, on the occasion of a double extraordinary summit to be held Friday and Saturday in Equatorial Guinea, to prevent the exacerbation of humanitarian crises on the continent in the wake of climate change and the expansion of militant groups' activity.