4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2022
Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya oo xilka kala wareegay Agaasimahii hore

Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Ku xigeenkiisa Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ka dhacday gudaha madaxtooyada Soomaaliya xilka kagala wareegay Agaasimihii hore Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo ku xigeennadiisa Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin Daddoon.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in Agaasimaha cusub ay ku wareejiyeen deyn lagu leeyahay Madaxtooyada, galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeennada, iyo hannaanka shaqo ee Madaxtooyada qaranka, waxa uuna madaxda cusub Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Agaasimaha cusub Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Dalka, isaga oo uga mahadceliyey Agaasime Maxamed Cabdullaahi Ciise shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

Gabagabadii Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmin doonin shaqada, waxa uuna xusay in howlwadeennadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online