4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2022
Madaxwayne Mustafe cagjar " Inagu waxaynu leenahay Mucaarad masiibo quutayaal ah, oo aad u raadiya inay masiibo dhacdo"

Axad, May, 29, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo maanta ka qayb galay kulan ay Xukuumaddu isugu yeedhay bulshada qaybaheeda kala duwan ayuu kaga hadlay xaaladda Sicir bararka degaanka ka jirta, iyo sidii xal loogu heli lahaa saameynta ka dhalata Sicir bararkan, isagoo sidoo kale dhaliilo culus usoo jeediyay qaar kamid ah mucaaradka degaanka.

Intii uu kulankani socday ayaa waxaa la isla qaatay in shaqaalaha dowladda iyo ciidamada mushaharaadkooda kabis loo sameeyo, In Sicir bararka la xakameeyo iyo in dadka lagu dhiirigaliyo siday dhulkooda wax ugala soo bixi lahaayeen.

Madaxwaynuhu wuxuu toosh daba qaatay dadka iyagu siyaabo kala duwan uga hadlaya sicir bararka, iyo xisbiyada mucaaradka ah ee arrimaha Sicir bararka si kale u dhigaya ee siyaasadaynaya, isagoo xusay in degaanka ay ka jiraan Mucaarad masiibo quutayaal ah, "Inagu waxaynu leenahay Mucaarad masiibo quutayaal ah, oo aad u raadiya inay masiibo dhacdo, oo ummadu baaba'do, iyagoo xilligaa aan lagaranayn waxay maamulayaan, hadday ummadu baaba'do", ayuu yiri Madaxwayne Mustafe cagjar.

Madaxwaynuhu waxa kale oo uu sheegay in mucaaradku markay wax saxayaan looga baahan yahay inay la yimaadaan, oo ay soo bandhigaan qorshayaal cad cad, oo u dhigma qorshaha dowladdu wadato oo ay wax ku saxayaan, ka hor inta aysan dhaliilin qorshayaasha dowladda.

Dhinaca kale Madaxwayne Mustafe cagjar waxa uu sheegay in Mucaaradka degaanka jira qaarkii ay qayb ka ahaayeen dhibaatooyinkii hadda ka hor degaanka ka jiray, oo ay fiicnaan lahayd kuwaasi inay dadkii ay dhibka u gaysteen cafis waydiistaan, ka hor inta aysan dadka soo hor fadhiisan ee aysan Sicir barar ka hadlin, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwayne Mustafe cagjar.

Geesta kale Madaxwaynuhu wuxuu carabka ku adkeeyay in haba yaraatee aan loo dul qaadan doonin, sharcigana lala tiigsanayo mucaaradka iyagu isku dayaya in  qalalaase siyaasadeed ay ku abuuraan, bulsho u baahan dowladnimo iyo in gaajada lagaga saaro nidaam gacmaha la isku qabsanayo, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwayne Mustafe cafjar.

Ugu dambayn waxa uu Madaxwaynuhu sheegay inay xukuumaddu diyaar u tahay in guddiyo isku dhaf ah la sameeyo, oo ay isu yimaaddaan bulshada qaybaheeda kala duwan, si arrinta Sicir bararka qorshe midaysan looga yeelan lahaa, balse aysan marna haboonayn in la siyaasadeeyo xaaladda Sicir bararka.

Waxaa xusid mudan in kulankan ay ka maqnaayeen xisbiyada ONLF iyo FEP, oo iyagu sheegay in Warbaahintooda loo diiday inay ka qaybgalaan kulankan, balse waxaa iyagu kasoo muuqday kulankan xubno kamid ah garabka kale ee ONLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]