4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2022
Askari ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu dilay

Sabti, May, 28, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah askarta ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish).

Askariga la dilay oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Abuukar Nuur, kaasoo la sheegay inuu afaafka hore ee Dekada weyn ee magaalada Muqdisho uu ku dilay askari kale oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dilka Marxuumka dhintay ee Xuseen Abuukar ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii uu murun soo kala dhexgalay isaga iyo askariga dilka u geystay, hayeeeshee aanan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ka dhashay murunka sababay dilka.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray qaar ka mid ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida caadada aheyd, kuwaas oo durba bilaabay Baaritaano ku saabsan dilka iyo sida uu u dhacay, walow wali uusan taliska Booliiska Soomaaliyeed kasoo bixin wax war ah oo la xariira dilka maanta loo geystay askariga ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online