4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2022
Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo codsi mudaharaad u gudbiyay xukuumada

Sabti, May, 28, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa xukuumada Somaliland u gudbiyay warqad ay kaga codsanayaan in loo ogolaado in ay mudaharaad qabsadaan, waxayna sheegeen in xukuumadu ka aqbashay.

Xogeeyaha Arrimaha Guddaha ee xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay xisbiyada mucaaradku ay wasaarada arrimaha guddaha u gudbiyeen codsi ay kaga dalbanayaan in loo ogolaado in ay qabsadaan mudaharaad nabadgalyo ah.

"Sida aynu la wada socono dastuur keena qodobkiisa 32aad faqradiisa 2aad, ayaa qeexaya in shacabka Somaliland iyo muwaadiniintu ay qabsan karaan mudaharaad salmi ah, oo nabadeed oo ay ku muujinayaan dareenkooda, sida la ajligeed, anaga oo halkan ku taagan labadii xisbi, waxaanu maanta warqadii wargalinta ahayd u gudbinay wasiirka arrimaha gudaha" ayuu yidhi xogeeye Faarax.

Xogeeyaha ayaa sheegay in wasiirka arrimaha guduhu uu ka aqbalay codsigooda "Si sharafleh ayuu nooga guddoomay wuuna naga aqbalay warqadaasi oo wuu naga guddoomay, mudaharaadka aanu wadnaa maaha mid colaadeed ee waa mid nabadeed".

Mucaaradka ayaa sheegay in ay u mudaharaadi doonaan si nabadgalyo ah, isla markaana anay soo qaadan doonin wax ka badan boodhaadh ay ku xardhanyihiin halku dhaga mudaharaadkooda.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online