4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2022
Abaaro baahsan oo ka jira deegaano ka tirsan Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland

Sabti, May, 28, 2022 (HOL) - Waxaa isa soo taraya qeyla dhaanta kasoo yeereysa abaaraha baahsan ee ka jira gobolada Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaano ka tirsan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo oo ka kala tirsan Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa laga soo sheegaya abaaraha ugu daran iney ka jiraan.

Abaarta laga soo sheegayo deegaanada sadaxdaasi gobol ayaa si weyn saameysay dadka iyo duunyada ku nool goboladaasi, waxaana ku xoola beelay abaarta maalmahii ugu dambeeyay boqolaal qof oo ka mid ah xoolo dhaqatada deegaanadaasi.

Roobkii Gu'ga ee sanadkan oo aan sidii la rabay u da'in ayaa sii adkeeyay abaarta baahsan ee xiligaan laga soo sheegayo gobolada Baay, Bakool iyo Gedo.

Guddiga gurmadka Abaaraha waxa ay dhawaan sheegeen in Abaarta jirta ay si ba’an u sameeysay 66 degmo oo ka tirsan degmooyinka kala duwan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya oo ay kunool yihiin qoysas fara badan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online