4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2022
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo 7 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Sabti, May, 28, 2022 (HOL) - Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dileen 7 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayna gacanta ku dhigeen labo kale, kadib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen gobolka Shabeeladda dhexe.

Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalkii ay ka sameeyeen agagaarka deegaanka War-ciise ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ciidamadu ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo qalab ay wateen Al-Shabaab.

Odowaa oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo furtay hub iyo lacag ay kooxaha Alshabaab ka qaadan jireen dadka deegaanka.

“Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid looga hortagayo falalka argagixisanimo ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray in la burburiyay saldhigyo dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi iyo sidoo kale maxkamado guurguura oo taliyuhu sheegay inay  ahaayeen kuwa sharci darro ah oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada inkastoo ciidamada dowladda ay bilihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah kooxaha Alshabaab  ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobalada dhexe iyo koonfurta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]