Jimco, May, 27, 2022 (HOL) - Kooxa hubeeysan ayaa caawa magaalada Baladweyne ku dilay Nabadoon Cali Macalin Maxamuud (Cali dheere) oo kamid ahaa Waxgaradka aadka looga yaqiinay magaalada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.
newsinsideMarxuumka ayaa kamid ahaa Nabadoonadii soo xulay ergadii soo dooratay xildhibaan Cabdullaahi Sambalooshe doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Baladweyne.
Lama oga cidda ka dambeysa dilkiisa, inkastoo Alshabaab ay bartilmeemeed u yihiin qof kasta oo ka qeyb qaata doorashada Soomaaliya.

15 kii bishaan ayay ahayd markii magaalada Baladweyne lagu dilay allaha u naxariisto Bashiir Maxamed Geeddi oo katirsanaa Ergadi dooratay kursiga tirsigiisu yahay HOP 058.
Weli laamaha amnigu kama hadlin dilka nabadoonka caawa lagu dilay magaalada Baladweyne. Iyadoo horey magaalada Baladweyne ugasoo kabanaysay qaraxyadii lagu laayay masuuliyiinta dowladdeed.