4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2022
Xeer ilaalinta Masar oo xabsiga kasii daysay gabadh Soomaaliyeed oo dishay nin iskudayay inuu kufsado

Jimco, May, 27, 2022 (HOL) - Gabadh Soomaaliyeed oo 15 jir ah oo ku nool dalka Masar ayaa si weyn u qabsatay warbaahinta dalkaasi, kadib markii ay dishay darawal bas yar oo la sheegay inuu isku dayay inuu ku kufsado.

Gabadhan oo aan magaceeda warbaahinteeda laga sheegin, ayaa Mindi ku dishay Darwalka oo la sheegay isku dayay inuu kufsado, iyadoo falkaan kadibna ay isku dhiibtay booliiska dalkaas.

Sida laga soo xigtay wakaaladaha wararka ee maxaliga ah, gabadha yar ayaa Bus yar ka raacday gurigeeda oo kuyaalay degmada la yiraahdo 6th of October City. Darawalkii ayaa ka faa’ideystay in aysan jirin rakaab kale oo la socday, waxuuna u kaxeeyay meel cidlo ah si uu u fara xumeeyo, isagoo Mindi qoorta ka saaray.

Gabadha ayaa u suurtagashay in ay mindida gacantiisa ka dafto oo ay xabadka kaga dhufato. Sida ay sheegtay, waxa ay mindida ku dishay iyada oo is-difaacaysa, dilkiisan aanay ujeeddo kale ka lahayn.

Xeer ilaalinta oo markii hore go’aamisay in gabadha lagu sii hayo xabsiga booliska muddo afar maalmood ah, ayaa maanta go’aamisay in laga saaro xabsiga baaritaan la sameeyay kadib.

Baaritaan lagu sameeyay goobtii uu falka ku dhacay, caddeymo lagasoo aruuriyay iyo baaritaano dheecaaan ah oo laga qaaday gabadha kadib waxay Booliska xaqiijiyeen in falkaasi uu sax yahay sida ay gabadha ku caddeysay baaritaannada.

Warbixinta danbi baarista ayaa lagu sheegay in hab-dhaqanka Darawalka, ay sabab u ahayd dhimashadiisa ka dhalatay iskudayga uu ku doonayay inuu kufso ugu geysto Gabadha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]