4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo sheegay in dowladdiisa xoogga saaridoonto shaqo abuurka dhallinyarada

Jimco, May, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ballanqaaday inay dowladdiisa xoogga saari doonto abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay siindoonto mudnaanta koowaad ee Hindisaha Shaqo Abuurka Qaran, si buu yiri dhallinyaradu ay door weyn uga qaataan qorsheyaasha Qaran ee dib-u-dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xoraynta dalka.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay shacabka ka yihiin in ka badan 70%. Waxa ay aasaas u yihiin dowladnimada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada. si aan u gaarno isku filnaansho buuxa waxaan ku dhawaaqayaa madal ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku wadaagaan hal abuurkooda iyo horumarinta dowladdooda,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dalka, isagoo dadka Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyey in ay hormuud u noqdaan hal-abuurka iyo hirgelinta qorsheyaasha kobcinta dhaqaalaha dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]