4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2022
Human Rights Watch oo madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqday inuu dib u eegis ku sameeyo baaritaannada shaqaalihii caafimaad ee lagu xasuuqay Golaley
 

Jimco, May, 27, 2022 (HOL) - Labo sano ka hor, tuulada Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay xasuuq lagu xasuuqay 8 ka mid ah shaqaale caafimaadka oo ka howlgalayay tuulada Golaley ee katirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Hay’adda udooda xuquuqda Aadanaha ee HRW ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in baaritaannadii lagu sameeyay dilkan iyo kuwa kale oo dambeeyay oo dhacay sannadihii ugu dambeeyay aysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballan qaaday inuu mudnaanta koowaad siinayo dib u habeynta sharciga iyo garsoorka.

Human Rights Watch waxay ugu baaqday madaxweynaha inuu ballanqaadkiisa ka bilaabo in uu amar ku bixiyo in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanada wali la sugayo ee ku saabsan xasuuqii xirladlayaashii caafimaad ee lagu xasuuqay Gololey.

Maajo 27, 2020, rag wejiyada soo duubtay oo afar kamid ah ay wateen dareeska ciidanka dawladda, ayaa toddobo shaqaale caafimaad ah ka afduubay xarun caafimaad oo ay maamusho hay'ad aan dowli ahayn.

28-kii May, ayaa shaqaalahan meydadkooda laga helay meel ka baxsan tuulada Golaley, iyagoo ay jirkooda ka muuqatay rasaas aan loo Aabbe yeelin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]