4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2022
Abuukar Baalle: Howlgalka UNSOM lama jaanqaadi karo horumarka Soomaaliya

Jimco, May, 27, 2022 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Amb: Abuukar Cusman Baalle oo ka qeyb galayay kulanka golaha ammaanka, ayaa soo dhoweeyay dib u cusboonaysiinta loo sameeyay howgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa dhinaca kale ku dhaliilay howlgalka UNSOM sida uu haatan u shaqeeyo inuusan la jaan-qaadi Karin horumarka ka socda Soomaaliya.

Abuukar Baalle wuxuu sheegay in hawl-galku uu noqday kuwo ka fal-celiya dhacdooyinka ka dhaca Soomaaliya iyada oo ay yar tahay awoodda ay ku kala horraysiiyaan oo ay wax uga qabtaan horumarka siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.

Baalle, wuxuu ugu yeeray UNSOM inay kaalmadeeda Soomaaliya ahaato mid ka tarjunta rajada dadka Soomaaliyeed iyo mudnaanta baahiyadaha qaran ee dowladda Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horraysay oo danjiraha Soomaaliya ee UN-KA uu eedayn u jeediyo UNSOM. Balse Sannadihii ugu dambeeyay sidaan oo kale ayuu danjiruhu u dhaliilayay shaqada UNSOM.

Golaha ammaanka ayaa UNSOM u sameeyay muddo kordhin shan bilood ah oo ku eg bisha Octobar ee sannadkan.  Si kastaba ha ahaatee. Waajibaadka  UNSOM ayaa ku ekaa dhammaadka bishaan May.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]