4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: 2026 waxaan ka shaqeyndoonnaa inaan doorashada gaarsiino in tuulooyinka wax lagasoo doorto
 

Jimco, May, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu 2026 ka shaqeynayso inaan dib loogu laaban doorasho dambe oo lagu qabto teendhada Afisyooni.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galayay kulan lagaga hadlayay caqadihii ka dhashay doorashadii uu kusoo baxay, ayaa wuxuu sheegay in waxa dhacay ay yihiin wax la iska cafin karo, balse aan la hilmaami doonin si cashar looga barto.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ka shaqeyn doonto in xukunka loo dhoweeyo dadweynaha islamarkaana doorashooyinka dambe la gaarsiindoono illaa tuulooyinka, si ay dadweynuhu usoo doortaan dad matali kara.

“Dadka Soomaaliyeed doorashada waa loosii dhoweynaynaa. Waxaan rabnaa dadku inay doortaan wiilka iyo gabadha degmada degan ee ay garanayaan oo beertiisa ku taal oo geellihiisa daaqayo. Nidaamaan la imaanaynaa dadka dadka la nool ee ku dhexnool inay masuuliyadda u dhiibtaan,”  ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay dadka Soomaaliyeed haddii fursad lasiiyo inay dooran karaan hoggaan wanaagsan oo dhaqan galiya nidaamka dimuqraadiga ee dadka ay raaliga ku yihiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]