4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2022
Xaalado daran oo laga soo sheegayo shacabka ku dhaqan galbeedka gobolka Sitti ee degaanka Soomaalida
 

Jimco, May, 27, 2022 (HOL) - Xaalado daran ayaa laga soo sheegayaa galbeedka Sitti ee degaanka Soomaalida, iyadoo shacabka halkaa ku dhaqani ay lasoo deristay xaalad abaareed oo saameyn ku yeelatay bulshada iyo dagaallo kaga imaanaya dhanka degaanka Canfarta.

Haddaba shacabka ku dhaqan galbeedka gobolka Sitti ayaa haatan wajahaya xaalad abaareed middii ugu darnayd, iyadoo dadkan oo markii horeba ay soo daashadeen colaadda Soomaalida iyo Canfarta, ayaa haddana waxaa ugu sii darsamay haraad iyo cunto yari ay keentay abaartu, taas oo haddii aan gurmad lala soo gaarin keeni karta dhimasho.

Dhinaca kale iyadana waxaa jira inay wali go'doon ku jira shacabka ku dhaqan magaalada Danlahelay iyo magaalooyin kale, kuwaas oo ay go'doomiyeen maleeshiyaadka Canfartu, mana jiro wax biyo iyo baad ah oo la gaarsiiyay dadkaas go'doonsan, iyadoo lasoo sheegayo inay jiraan dad gaajo iyo haraad ugu dhintay, goobaha ay go'doomiyeen Canfartu.

Isu soo duuboo, shacabka ku dhaqan galbeedka Sitti ee degaanka Soomaalida ayaa wajahaya xaalado daran, haddii aan lala soo gaarin gargaar bani adantinimo, iyadoo wali aysan jirin wax gargaar ah oo ooga yimaadda dhinaca dowlad degaanka Soomaalida.

Xukuumadda degaanka Soomaaliduna wali kamaysan hadlin xaaladahan daran ee ay ku sugan yihiin shacabka ku dhaqan galbeedka Sitti, iyadoo la xasuusan yahay in dhawaan un ahayd markii madaxda labada degaan ee Soomaalida iyo Canfartu ay Jigjiga ku kulmeen, balse kulankaasi uusan wali joojin colaadda u dhaxaysa Soomaali iyo Canfar oo ah labo qowmiyadood oo deris ah.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]