4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 26, 2022
Golaha wasiiradda Soomaaliya oo meel mariyay miisaaniyadda dalka ee 2022

Khamiis, May, 26, 2022 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyey shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan ee 2022.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdirixmaan Ducaale Beyle ayaa u gudbiyey golaha wasiiradda miisaaniyadda dowladda oo dhan ,($918.7M) taas oo ay markii dambe cod aqlibiyad leh ku ansixiyeen Golaha Wasiiraddu.

Miisaaniyadda sannadkan 2022 waxaa ka muuqda koror saa'id ah, iyada oo $247.7 milyan ka badan  miisaaniyadda sannadkii hore 2021, taas oo ahayd $671 milyan, halka sannadkii  2020 miisaaniyaddu ahayd $476 milyan.

Miisaaniyadda cusub ee dalka ayaa loo gudbindoonaa golaha cusub ee barlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo aan weli farriisan sidii ay ku dhacday doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee bartamihii bishaan.

Golaha wasiiradda waxay sidoo kale meel mariyeen agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, oo loo magacaabay Mahad Maxamed Salaad, oo kamid ahaa xildhibaannada golaha shacabka.

Waa shirkii ugu horraysay ee ay yeesheen golaha wasiiradda tan iyo markii uu dalku galay isbeddel siyaasadeed oo uu talada kula wareegay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ku guulaystay doorashadii madaxweynaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]