4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 26, 2022
Wasiir Koore: Doorasho kasta wakhtigeeda ayaa lagu qabanayaa
 

Khamiis, May, 26, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in anay jirin doorasho dib u dhacaysa oo doorashada madaxtooyadu wakhtigeeda ku dhacayso si ka duwan eedaynta mucaaradka, xukuumadu waxay sheegtay in doorashada urruraduna sharci tahay.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta ahna afhayeenka xukuumada Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in doorasho kasta wakhtigeeda ku dhici doonto.

"Madaxweynahaha Somaliland iyo xukuumadiisu waxan halkan ka caddaynayaa in ay diyaar u yihiin in ay doorashooyinkii qabtaan, waxa la qabanayaa doorashadii urrurada siyaasada oo madaxtooyada ayaa la qabanayaa, xukuumada aan ka tirsanahay diyaar bay u tahay in ay doorashooyinka qaranka mid walba wakhtigeeda qabato" ayuu yidhi Wasiir Koore.

Koore oo ka jawaabay su'aal laga waydiiyay in xukuumadu ay faragalisay guddida doorashooyinka, ayaa sheegay in guddida uu kala jab ku yimid, sida darteedna uu madaxweynuhu sameeyay wixii uu sharcigu siinayay.

"Madaxweynaha Somaliland ma faragalin koomiishanka ee iyaga ayay ka dhex dilaacday in ay laba kooxood noqdaan, oo wada shaqayn waayay oo madaxweynaha waraaq usoo qoray, sidaa darteed sharcigu wuxuu madaxweynaha siinayaa in uu u magacaabo koomiishan madaxbannaan" ayuu yidhi Wasiir Koore.

Wasiirka ayaa sheegay in qabsoomida doorashooyinka loo raacayo sharciga, oo doorasho kasta wakhtigeeda lagu qaban doono.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online