4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 26, 2022
Faysal Cali Waraabe: U tagi mayno, horfadhiisan mayno madaxweynaha

Khamiis, May, 26, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu ka leexday nidaamkii doorashadu ku qabsoomi lahayd, isla markaana aanu cidna dhagaysanayn.

Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi hadalkiisa iyo ficil kiisu is burinayaan, oo uu leehay doorashadii waan qabanayaa, lakin uu burburinayo hanaankii doorashadu ku qabsoomi lahayd.

"Madaxweynuhu waxa uu leeyahay doorahadii waan qabanayaa, wuxu leeyahay waan idin baabiinayaa, wuxuu leeyahay koomiishankii ayaan baabiinayaa, waa waxan dalka hore loogu arag, wuu jiri jiray madaxweyne yidhaa muddo korodhsi ayaan doonayaa lakin lama arag madaxweyne rukumadii doorashooyinku ku taagnaayeen ka saara meesha" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in kulankii u danbeeyay ee ay madaxweynaha la yeeshan uu madaxweynuhu waxba ka dhagaysan waayay oo ay u tageen isaga oo talo meel dhigtay, isla markaana uu ka diiday codsiyadii ay ula tageen.

"Heeb hore ayaanu u tagnay, habeen hore waxaanu helay madaxweynihii oo taladiisu meel taalo, oo kibir ku jiro, wuxuu yidhi koomishanka ka saari maayo dadka baadhaya, wuxuu yidhi urruro ayaad noqonaysaan, waxaanu ku nidhi taasi nama qabato" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in ka axsaab mucaarad ahaan ay joojiyeen, wadahadaladii u socday madaxweynaha isla markaana anay ka qayb galayn wadahadalada loo balansanyahay Sabtida "Waanu joojinay u tagi mayno hor dhafiisan mayno".

Faysal waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu markii hore diyaar u ahaa in uu doorashada qabto, lakiin uu is badalay kadib markii uu Cirsi Cali Xaaji Xasan noqday guddoomiyaha xisbiga Waddani, oo cadho uu Xirsi u qabo darteed uu urrurada u furayo.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online