4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 26, 2022
Dowladda Imaaraatka Carabta oo maanta Soomaaliya ku wareejisay 9.6 milyan oo dollar

Khamiis, May, 26, 2022 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo khamiis ah ah wuxuu dowladda Imaaraatka kala wareegay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar.

Madaxweynaha Dowladda Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa amray in lacagtaan lagu wareejiyo Dowladda Soomaaliya, si loo xoojiyo gurmadka iyo gargaarka dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo laga hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018, iyadoo dowladda Imaaraadkuna ugu deeqday wax ka qabashada arrimaha abaaraha dalka saameeyey.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in lacagtan gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar lagu shubay Bangiga dhexe ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka, loona isticmaali doonno arrimaha gargaarka.

Ra’iisul Wasaarahe Rooble ayaa sheegay inuu wakhti geliyey sidii loo hagaajin lahaa soo celin lahaa xiriirka labada dalka oo xumaaday sanadkii 2018, waxaana uu sheegay in tallaabada soo celinta xiriirku suurta-gelisay soo laabashada mashaariicdii horumarineed ee Imaaraadku ka fulin jirey Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]