4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 26, 2022
Cirro: Dhalinyarada hadii xabad sharci daro ah lagu rido ha isku dhigaan

Khamiis, May, 26, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu quus ka taaganyahay wadahadaladii u socday madaxweynaha Somaliland, waxaanu ku eedeeyay in uu sharcigii garab maray.

Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu qorshaynayo in uu doorashada dib u dhigo, oo uu daanayo in uu wakhti dheeraad ah oo sharci daro ah kursiga kusii fadhiyo.

"Kulanka waxa nooga soo baxay midabkii dhabta ahaa ee Muuse Biixi, waxaanu u tagnay madaxweyne, odaytinimadii, dhaqankii lexejeclo, dastuurkii iyo shuruucdii dalka intiiba meel iska dhigay, una muuqato in uu helo maalmo xaaraan ah oo uu xukunka kusii waaro" ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in kulamadii ay axsaabta mucaaradka ahi la qaateen madaxweynaha Somaliland ay faro madhan kala soo noqdeen oo ay kusoo hungoobeen "Doodo dhaadheer kadib kulankaas waxaanu kala soo noqonay hungo iyo gacmo madhan, Muuse wuxuu u ekaa nin shuruucdii iyo dastuurkii dalka tunka ku qaatay, albaabkii doorashooyinka iyo wadahadalkana qufulkii ugu wayna ku dhuftay".

Cirro waxa uu sheegay in anay jirin sabab axsaabta mucaaradku kulamo kale ula yeeshaan madaxweyne Biixi hadii anay mawqifkiisa waxba iska badalin, waxa uu ku eedeeyay in uu ku tuntay sharcigii doorashooyinka oo uu go'aansaday in doorashadii uu isagu doono uu soo hormariyo, waxa kale oo uu ku eedeyay in madaxweynuhu uu baabinayo axsaabta siyaasada.

Cirro oo dhinaca kale ka jawaabay su'aalo  kasoo noqday hadal uu horay dhalinyarada ugu guubaabiyay in ay dhiigooda u daadiyaan sidii doorashada madaxtooyadu u qabsoomi lahayd, ayaa yidhi "Madaxda xisbiguna hub ma sidato dhalinyaradana ugu manaan baaqin in ay hub soo qaataan, lakin waxaanu ugu baaqnay, in hadii xabad sharci daro ah lagu rido ay isku dhigaan".



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online