4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 26, 2022
Ergayga arrimaha bini'aadinimada Soomaaliya oo sheegay in 6.9 milyan ay wajahayaan biyo la'aan iyo cunto la'aan
 

Khamiis, May, 26, 2022 (HOL) - Guddiga Gurmadka Abaaraha Soomaaliya ayaa la wadaagay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya uu u magacaabay arrimaha bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha.

Warbixinta guddiga abaaraha ayaa lagu sheegay in 66 degmo oo katirsan degmooyinka soomaaliya ay abaartu si ba'an u saameeyeen islamarkaana ay u baahan yihiin gurmad biniaadinimo oo degdeg ah.

Tirada dadka abaaruhu saameeyeen ayaa la sheegay warbixinta inay gaartay 6.9 million oo qof, iyadoo bilaha soo socda laga cabsi qabo inay gaarto 8 milyan oo ah kala bar tirada dadka ku nool dalka Soomaaliya.

"6.9 Milyan oo Soomaali ah ayaa wajahaya biyo la'aan iyo cunto yari, waxaana laga cabsi qabaa in tiradaasi gaadho 8 Milyan"  ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray ergayga arrimaha bini'aadantinimada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Qaramada midoobay ayaa horey uga deyrisay xaaladda malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo ay abaaruhu aad u sameeyeen kadib markii Roobabku ay u yaraadeen saddexdii sano ee ugu dambeysay.

Waxaa cabsi weyn aad looga muujinayaa in abaaruhu isku beddeli karaan macluul haddii aysan xaaladdu si degdeg ah isku beddelin oo aan la helin gurmad.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]