4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 26, 2022
Ciidamada Kumaandooska Gorgor oo howgalo ka sameeyay tuulooyin hoostaga degmada Awdheegle
 

Khamiis, May, 26, 2022 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ayaa howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka sameeyay tuulooyin hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ hoose.

Ciidamada Gorgor ayaa howgalada ka fuliyay tuulooyinka Balow iyo Tawakal oo u dhaw deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana labadaasi tuulo ay ka mid ahayeen marinada muhiimka ah oo ay Al-shabaab isticmaalaan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee howgalka hoggaamineysay waxay sheegeen inay tuulada Tawakal ay ku gubeen Doon ay Al-Shabaab isaga kala gudbi jirteen tuulooyinka Bariire hoostaga sidoo kalana ay ku raran agabyada kale ee muhiimka u ahaa Shabaaab sida lacagaha ay dadka iyo gaadiidka kasoo aruurin jireen.

Taliyaha ururka 7-aad ee guutada 18-aad ee ciidanka Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Sheekh oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka saarayaan Al-Shabaab degaanada u dhow degaanka degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online