4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika
 

Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Annette Weber ayaa ka wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo u soo bandhigtay Annetta sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaaga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergayga gaarka ee Midowga Yurub Annette Weber ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaaliya, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin dowladda Fedaraalka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in la sii amba qaadi doono horumarinta qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhamaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalka Soomaaliya.

Danjire Annette Weber ayaa ah mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara dalka Soomaaliya tan iyo waxii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka kadib, taas oo muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online