4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2022
Toogasho lagu dilay 19 Caruur ah oo ka dhacday dalka Mareykanka
 

Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay inta la xaqiijiyay 19 caruur ah iyo laba qof oo dad waa weyn ah, kadib markii uu xoog ku galay Dugsi hoose oo ku yaala magaalada Uvalde ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Ninka toogashada geystay oo da'diisa lagu sheegay 18 jir ayaa la tilmaamay inta uusan fulinin dilka 21 ruux inuu soo dilay Ayeeydiis, waxaana toogashada uu 18 jirkaan geystay ay noqoneysa tii ugu xumayd ee dalkaasi ka dhacda muddo ku dhow toban sano.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ninkaan uu fuliyo toogashada dadka badan ay ku dhinteen, kaaso la tilmaamay inuu orod ku galay gudaha Iskuulka uu weerarka ka fuliyay.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa saacado kadib ka hadlay dhacdadan saameysay dalkiisa, waxuuna ku booriyay dadka Mareykanka inay u istaagaan u ololeynta wax ka qabashada hubka Mareykanka oo ay ka dambeyso siyaasadda, kaasoo uu ku eedeeyay inay hor istaagtay dhaqan gelinta sharciyo adag oo macquul oo la xiriira xakamenta hubka.

Madaxweyne Biden ayaa amray in Calanka Maraykanka hoos loo dhigo ilaa maalinta Sabtida ah, si loogu baroordiiqo carruurta lagu laayay Dusiga hoose ee Robb.

Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa ku sheegay ruuxa tuhmanaha ah ee weerarka toogashada fuliyay in lagu magacaabi jiray Salvador Ramos, kaasi oo sida muuqata ay dileen askar ka tirsan Booliiska dalka Mareykanka, waxaana uu sheegay in laba askari ay ku dhacday rasaas, inkastoo guddoomiyuhu sheegay in dhaawacyadoodu uusan ahayn mid halis ah.

Weerarkan lagu laayay caruurta da'doodu u dhaxeyso 7-10 jir ayaa kusoo beegmaya 10 maalmood kadib markii 10 qof lagu dilay xaafad ay u badan yihiin dadka madowga ah oo ku taala magaalada Buffalo ee gobolka New York ee dalka Mareykanka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online