12/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 25, 2022
Madaxwayne Mustafe cagjar " Xukuumaddu waxayna gacanteeda ku qaban karin, eedeeda ma qaadi doonto"
 

Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ayaa mar uu ka hadlayay arrinka dadku la wareersan yihiin ee Sicir bararka maciishada, waxa uu sheegay inay arrintani ay tahay mid ka timid qiimaha maciishadda adduunka oo korodhay, oo aysan dowladdu waxba ka qaban karin, iyo dhibaato ka timid dhanka sicirka dollarka , oo xalkeeda ay u taallo Bangiga dhexe iyo dowladda dhexe ee Itoobiya.

" Maadaama aan qiima kaca adduunka wax ka qaban karin, maadaama sarrifka dollarka isna aanan wax ka qaban karin, xukuumadda waxa kaliya ee la gudboon waa inay wax ka qabataa saameynta ka dhalan karta arrinta sicir bararka, oo ah cunto yaraan, dadka danyarta ah oo baahi cunto lasoo deristo iyo dhaqaalaha oo hoos u dhaca", ayuu yiri Madaxwayne Mustafe cagjar.

Waxa kale oo uu sheegay Madaxwayne Mustafe cagjar in haddii loo baahdo la xiri doono Bangiyada ku yaal magaalada Wajaale ee ku taal xadka degaanka Soomaalida iyo Somaliland, si wax looga qabto sicir bararka degaanka ka jira.

Ugu dambayn Madaxwaynuhu waxa uu xusay dhawr arrimood oo wax lagaga qaban doono saamaynta ka dhakan karta sicir bararka maciishada, kuwaas oo kala ah, In la kordhiyo barnaamijka quudinta dadka danyarta ah, deeq bixiyayaasha caalamkana lagu qanciyo inay korodhay tirada dadka cunada u baahan ee degaanka Soomaalida, iyo in lacag dheeraad ah ay degaanka soogasho si dadka loo siiyo, maadaama maciishaddii korodhay.

Sicir bararka ka jira dowlad degaanka Soomaalida ayaa muddooyinkan dambe waxa uu noqday mid xadhkaha goostay, iyadoo xukuumadduna ay sheegtay inaysan waxba ka qaban karin arrimaha Sicir bararka, balse la xallin karo saameynta ka dhalan karta Sicir bararka.

Iyadoo sidoo kale uu Sicir bararku uu  saamayn ku yeeshay dadkii danyarta ahaa oo markii horeba la kacaa kufayay nolol maalmeedkooda caadiga ah, iyadoo Sicir bararka maciishaduna ay noqotay waxa kaliya ee maanta ka guuxaya qof walba oo ku nool dowlad degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/25/2022 6:45 PM EST
Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Xarunta dhaqanka, cilmi baarista iyo akhriska ee Aw-Jaamac Cumar Ciise, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo gabo-gabeysay tababar socday muddo shan bilood oo in ka badan 80 dhallinyaro ah lagu barayay noocyada kala duwan ee farshaxanka.

5/25/2022 3:51 PM EST
Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta khadka telefoonka kula hadlay xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Sec Blinken, ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

5/25/2022 11:19 AM EST
Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa shaacisay in nin u dhashay wadanka Ciraaq oo magangalyo siyaasadeed weydiistay dowladda Mareykanka inuu qorsheeyay dilka madaxweynahii hore ee dalka Mareykanka Goleorge W. Bush.

5/25/2022 9:43 AM EST
Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

5/25/2022 8:16 AM EST
Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, ahna Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu sharciga u cuskaday tabashooyinka ay mucaaradku ka qabaan arrimaha doorashooyinka.

5/25/2022 6:51 AM EST
Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in labadii sanno ee u danbeeyay ay 6.8% ka heshay qoondada guud ee tirada xujayda laysku siiyo Somaliland iyo Soomaaliya oo dhan 5,206 xaaji halka ay barigii hore ka heli jirtay 40%, kadib markii ay dowlada Soomaaliya siyaasadaysay arrimaha xajka.

5/25/2022 6:07 AM EST
Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta qaadacay oo ka horyimid habka ay dowladda federalka Soomaaliya uqeybisay Xujeyda Soomaaliyeed ee tagaya Xajka.

5/25/2022 1:50 AM EST
Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Hay'adda Blue Marine Foundation oo u dhaqdhaqaaqda kalluumaysiga xad-dhaafka ah ama sharci darrada ah ayaa sheegtay in xeebaha Somalia uu kalluumaysi xaalufis ah ka wadaan Maraakiibta laga leeyahay dalka Spain.

5/25/2022 12:53 AM EST
Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay inta la xaqiijiyay 19 caruur ah iyo laba qof oo dad waa weyn ah, kadib markii uu xoog ku galay Dugsi hoose oo ku yaala magaalada Uvalde ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

5/25/2022 12:44 AM EST
Arbaco, May, 25, 2022 (HOL) - Madaxda Mucaaradka Somaliland, ayaa rajo aan fiicnayn ka muujiyay sii socoshada wadahadalo ay xalinta khilaafka doorashooyinka kala yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.