4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 24, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay la taliyihiisa amniga qaranka

Talaado, May, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali, Lataliyaha Amniga Qaranka, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku tilmaamay Xuseen Macallin Maxamuud inuu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalka iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka inuu alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo masuuliyadda loo igmaday.

Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa horey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad iyo sidoo kale Lataliye Sare oo dhanka Amniga iyo Ladagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada ah uu u soo noqday Madaxweynihii 8-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu noqday Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka, isagoona ka soo qabtay xilal sarsare Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]