4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhaw sameeyay magacaabistii ugu horeysay
 

Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw sameeyay magacaabistiisii ugu horeysay tan iyo markii loo dhaariyay xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoona u magacaabay xilka Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Xuseen Sheekh Maxamuud uu tusaale u yahay doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla, waxuuna uga mahad celiyey Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdullaahi Ciise dadaalka uu bixiyey mudadii uu xilkan haayey.

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud oo horey u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa sanadkii 1982 ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa heerkiisa waxbarashada aas aasiga ah iyo Jaamacadda heerka 1-aad waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo waxbarashada heerka Labaad ee Jaamacadda (Master Degree) ka diyaariyey daraasaadka Horumarinta, hayeeshee haatan ku guda jira diyaarinta takhasuska PHD-ga ee Nabadda iyo Arrimaha Dowliga ah.

Magacaabista Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada qaranka ayaa imaaneysa xili saacado kooban ka hor uu xilka si rasmi ah ula wareegay madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online