12/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta si rasmi ah xilkiisa ula wareegay


Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad maanta ka dhacday Madaxtooyada, waxa uu xilka kala wareegay Madaxweynihii 9-aad ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamintiisii dalka, dadaalkii uu geliyey dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Madaxweynihii hore Soomaaliya, Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub iyo dowladda cusub ee uu soo dhisidoono.

Munaasabadda Xilwareejin Madaxweynaha waxaa ka soo qayb galay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, madax xilal sare ka soo qabtay dalka iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa madaxweyne Farmaajo kala wareegay faylasha shaqooyinka ay gacanta ku haysay dowladdii hore, shaqooyinkas oo ay kamid yihiin, dhameystirka dayn cafinta, sharciga doorashooyinka, iyo ciidamada Eritrea ku maqan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/23/2022 2:30 PM EST
Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

5/23/2022 9:10 AM EST
Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw sameeyay magacaabistiisii ugu horeysay tan iyo markii loo dhaariyay xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoona u magacaabay xilka Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud.

5/23/2022 8:21 AM EST
Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah wariyayaasha ka howlgala Hargaysa oo cambaareeyay xukunka ku dhacay wariyayaasha kala ah Maxamed Cabdi Sh. Ilig, Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon.

5/23/2022 7:01 AM EST
Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Wadahadaladii 16 bishan ay ku balameen xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa baaqday kadib markii uu madaxweyne Biixi kasoo xaadiri waayay kulamadii loo balansana, sida xisbiga Waddani sheegay.

5/23/2022 6:42 AM EST
Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa gacanta iskula tagay kadib khilaaf ka dhashay ansixinta xubnaha guddida diwaangalinta iyo ansixinta urrurada siyaasada.

5/23/2022 6:27 AM EST
Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo isniin ah yeelanaya fadhigoodii caadiga ahaa, kaasoo looga hadli doono xaaladda Soomaaliya oo uu ka dhacay isbeddel siyaasadeed.

5/23/2022 6:18 AM EST
Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hor ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta si rasmi ah xilka u wareejiyay ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ciidamada lagu tababaray dalka Eritrea, oo xaaladdooda uu mugdi ku jiray tan iyo markii dalkaas loogu qaaday in lagusoo tababaro.

5/23/2022 5:24 AM EST
Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Maxkamada Gobolka Maroodijeex ayaa midkiiba Sannad iyo 4 bilood oo xabsi ah ku xukuntay mulkiilaha MMTV Maxamed Cabdi Ilig iyo madaxa wararka ee Horn Cable TV Cabdijibaar Maxamed Xuseen.

5/23/2022 4:54 AM EST
Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Maxkmada Racfaanka ee Hargaysa, ayaa 2 sanno oo xadhig ah iyo 3 milyan oo Somaliland Shilin ah ku xukuntay Cabdimaalik Muuse Coldoon.

5/23/2022 2:21 AM EST
Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar ku socda Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo la xariira isbadalo ay Wasaaradda ku sameysay ama shaqada uga ceyrisay qaar ka mid ah Shaqaalaha dowladda aanan waafaqsaneyn go'aanka Golaha Wasiirada.

5/23/2022 1:45 AM EST
Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Iyada oo laga jawaabayo kiisaska sii kordhaya ee COVID-19, ayaa Sacuudi Carabiya waxay dalkooda ka mamnuucday inay usoo safraan muwaadiniinta 16 waddan oo ku yaal Aasiya, Afrika iyo Koonfurta Ameerika.

5/23/2022 1:38 AM EST
Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareego Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo shan sano ah hoggaaminayay dalka.