4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2022
Farmaajo oo ka hadlay ciidamada ku maqan dalka Eritrea iyo sababta dalka loogu soo celin waayay
 

Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hor ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta si rasmi ah xilka u wareejiyay ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ciidamada lagu tababaray dalka Eritrea, oo xaaladdooda uu mugdi ku jiray tan iyo markii dalkaas loogu qaaday in lagusoo tababaro.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in ciidamadan ay sannadkii hore bartamihiisa dhameysteen tababarka islamarkaana dib loo dhigay in lagusoo celiyo gudaha Soomaaliya.

Farmaajo wuxuu sheegay in xaaladda doorashada iyo saamaynta ay ciidamadan ku yeelan karaan awgeed loo baajiyay in ciidamadan lagu soo celiyo Soomaaliya.

“Mudane Madaxweyne ciiddankaas waa kuu diyaar.  Waxaa ciiddankaas loogu talo galay inay dalkooda ka xorreeyaan argigixisada Alshabaab,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah madaxweyne Xasan Sheikh ugu wareejiyay faylka ay ku qoran yihiin ciidanka Eritrea.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan inay si degdeg ah ciidamadaas dalka ugusoo celiyaan, si ay uga qeyb qaataan dib u xoraynta dalka oo uu sheegay inay qeyb weyn ku leeyihiin.

“Waa run ciidamada Eritrea muddo dheer way naga maqnaayeen waana wiilasheennii, waan ka shaqeynaynaa inaan sida ugu dhakhsiyaha badan dalka ugusoo celino. Waa ciiddan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliyaa iska leh,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, ciiddanka Eritrea oo tiradooda lagu qiyaaso in ka badan shan kun oo askari ayaa warbixinno laga qoray xaalkooda waxaa la sheegay inay ka qeyb galeen dagaalada waqooyiga Ethiopia ka dhacay, inkastoo dowladda Soomaaaliyeed arrintaas ay beenisay.

Hase ahaatee qaar kamid ah ciiddamadaas oo kasoo baxsaday xeryaha lagu tababaray ayaa kusoo laabtay Soomaaliya, kadib markii ay sheegeen inay tacadiyo kala kulmeen xeryaha lagu tababaray oo ay ka dhaceen isku dhacyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]