4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2022
Maxkamada Racfaanka Hargaysa oo xukun ku riday Cabdimaalik Muuse Coldoon
 

Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Maxkmada Racfaanka ee Hargaysa, ayaa 2 sanno oo xadhig ah iyo 3 milyan oo Somaliland Shilin ah ku xukuntay Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Maxkamada Gobolka Maroodijeex ayaa Coldoon horay danbi ugu wayday 3, February, 2022, kadibna xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay, racfaankaas oo ay ka dhalatay in maanta lagu rido xukunkan kadib muddo ay dacwadi ku socotay.

Coldoon oo ka tirsanaa warbaahinta Somaliland, isla markaana markii danbe noqday shakhsi baraha bulshada caan ka ah, ayaa loo haystaa eedo uu u jeediyay shabakada dugsiyada ee Abaarso, oo uu sheegay in macalimiin toodu ay diinta Masiixiga bulshada ku dhex faafiyaan.

Coldoon ayaa dhowrkii sanno ee lasoo dhafay aad uga hadli jiray dugsiga Abaarso oo laga leeyahay dalka Maraykanka, iyo Xarunta dhaqanka ee Hargaysa oo uu ku eedeyn jiray in ay soo marti qaaday dad isku jinsi ah.

Hadaba, Coldoon oo marar horena xabsi u galay isla arrintan awgeed, ayaa 19, 8, 2021, laga soo qabtay xafiiskiisa shaqada oo ku yaala magaalada Burco, isagoo muddo 9 bilood ah oo ay dacwadiisu socotay ku xidhnaa xabsiga Madheera iyo Xabsiga Dhexe ee Hargaysa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online