4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2022
Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo soo saaray amar ku socda Raysal wasaaraha Soomaaliya
 

Axad, May, 22, 2022 (HOL) - Xafiiska Hantidhowraha guud ee qaranka ayaa soo saaray amar ku socda Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo la xariira xeer khamiistii lasoo dhaafay ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

War qoraal ah oo uu soo saaray Hantidhawraha Qaaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa Raysal Wasaare Rooble lagu wargeliyay joojinta Xeer-nidaamiyaha sharciga maareynta Maaliyadda oo ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen Khamiistii lasoo dhaafay.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Hantidhowraha Qaranka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xeer nidaamiyaha la ansixiyay uu ka jiro khaladaad sharci iyo qodobbo kasoo horjeeda sharciga maareynta Maaliyadda Guud (PFM Act 2019) iyo sharciga Xafiiska Hantidhawraha guud ee Qaranka, kuwaasi oo wiiqaya hanaanka loo maamulo islamarkaana loo korjoogteeyo hantida Ummadda.

Hoos ka akhriso Qoraalka Hantidhowraha Guud ee Qaranka:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online