4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2022
Wasiir Kaahin: Faysal Cali Waraabe wuxuu yidhi Soomaaliya aynu ku noqono
 

Axad, May, 22, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, uu u soo jeediyay in Somaliland ay Soomaaliya dib ula midowdo.

Wasiir Kaahin oo ka hadlayay madal loogu dabaal dagayay sannad guurada 20aad ee kasoo wareegtay markii la as aasay xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in kulankii 16 May ay yeesheen mucaaradka iyo xukuumada Somaliland, uu Faysal ka yidhi "Dowladnimadii Somaliland way socon waydee aynu Soomaaliya dib ula midowno".

"Habeenkii markaanu wada hadlaynay, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, wuxuu yidhi waynu fashilanay, dowladnimo dad wadi kara ma nihin, dowladna wadi kari mayno, Xamar-na wataa socotay, inana maanta waynu iska soo horjeedna cid inagu kala guntada ayaynu u baahanahay, waxaynu u baahanahay in aynu Soomaaliya ku noqono" ayuu yidhi Kaahin.

Kulanka uu wasiir Kaahin ka hadlayo ee dhacay 16 May, ayay axsaabta mucaaradka iyo xukuumada Somaliland, iskaga afgarteen khilaafkii ka taagnaa sida mucaaradku u xusayaan munaasibada 18 May, waxaana loo balamay in maalmo ka dib laga howlgalo xalinta khilaafka doorashooyinka.

Waxaa la rajaynayaa in siday balantu ahayd ay xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland  dhawaan shir iskugu iman doonaan, si looga arrinsado daminta khilaafka doorashada, madaxweynaha Somaliland ayaa isagu dhankiisa balan qaaday in uu aqbalayo waxkasta oo khilaafka lagaga baxayo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online