4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2022
Human Right Watch oo sheegtay dib-u-dejinta ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya inay welwel ku tahay dadka rayidka ah
 

Axad, May, 22, 2022 (HOL) - Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Mareykanka in ay ka digtoonaadaan khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah, isla markaana ay ka feejignaadaan howlgalladooda.

Howlgallo hore oo ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray dad rayid ah oo Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa sheegay inuu dhowr boqol oo askari  dib ugu soo celinayo Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah howlgalka wadajirka ah ee dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika.

Human Right Watch ayaa ku baaqday in mudnaanta koowaad la siiyo ilaalinta dadka rayidka. Waxay tilmaamtay in Mareykanka duqeyn uu ka geystay gudaha Soomaaliya ay khasaare naf iyo maalba leh kasoo gaareen dad rayid ah, taasi oo aan Mareykanku waxna ka qaban.

"Saraakiisha Mareykanka waxay u baahan doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan mas'uuliyiinta Soomaaliya iyo Midowga Afrika si ay uga fogaadaan ku soo noqoshada sharciyadii hore ee xadgudubyada dagaalka oo ay si degdeg ah uga jawaabaan khasaaraha rayidka," ayay tiri Laetitia Bader, agaasimaha Geeska Afrika ee HRW.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay ku dhawaad 500 oo askari oo Mareykan ah oo dib ugu soo laabanaya dalka, si ay uga caawiyaa dagaalka Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]