4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 22, 2022
UK oo Muqdisho tababar milatari ugusoo gabagabeysay ciidamo ka kala tirsan AMTIS iyo kuwa xoogga dalka
 

Axad, May, 22, 2022 (HOL) - 32-askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tababar ku saabsan sirdoonka, dabagalka iyo sahanka loogu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

Boqortooyada Ingiriiska iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa iska kaashaday tabbaarkaan, sida lagu sheegay warbixinta.

Sarkaal ka socday dowladda UK oo lagu magacaabo Lt Col Jeremy Sapwell, ayaa sheegay in tababarkaan  uu muhiim u yahay jabinta al-Shabaab.

UK ayaa dhowaan sheegtay inay billaabayso tababaro milatari oo ay kor ugu qaadayso awoodda ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda Soomaaliya, si ay isaga kaashadaan la dagaalka Alshabab iyo xorraynta deegaannada gacantooda ku jira.

UK ayaa tababarayaal usoo dirtay Soomaaliya, kuwaas oo kaalin ka qaadanaya kala guurka amniga Soomaaliya, gaar ahaan sidii ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amni kadib marka ay baxaan ciidamada ATMIS.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]